Dagaal Beeleed Markale Maanta Ka Qarxay Galgaduud.

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo iyo khasaaro ka dhashay

Wararka Nagasoo Gaaraya Deegaanka Xananbuure Ee Gobolka Galgaduud AYaa Ku Waramaya In dagaal Beeleed Xoogan Oo Galay Maalintii Saddexaad Islamarkaana Udhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed Uu Kasoconayo Deegaankaasi.

Dagaalkan Oo Udhaxeeya Labo maleeshiyo Oo Kasoo Kala Jeeda Magaaloyinka Dhuusamareeb Iyo Cadaado Ayaa Markale Saaka Dib Uga Qarxay Deegaanka Iyadoo La Sheegayo In Hub Culus Ay isku Adeegsanayaan Labada Dhinac.

Qasaaro isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac Ayaa La Sheegay In Uu Ka Dhashay Dagaalka Balse Lama Oga Qasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Dagaalkan Galay Maalintii Saddexaad.

Ciidamo Ka Tirsan Daraawiishta Galmudug Ayaa Ku Fashilmay In Ay kala Dhex Galaan Beelaha Dagaalamaya Iyadoo Maalintii Shalay Ay Ciidamadu Gaareen halka Uu Dagaalku ka Soconayo.

Maamulka Galmudug AYaan Wili Ka Hadal Dagaal beeledkan Kasoo Cusboonaaday deegaanka Xananbuure Waxaana Dhawr Jeer Oo Hore Fashilmay Heshiisyo La Dhex Dhigay Labadan Beelood.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply