Dagaal Beeleed Xoogan Oo markale Ka Qarxay Duleedka Dhuusamareeb.

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo iyo khasaaro ka dhashay

Wararka Nagasoo Gaaraya Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud AYaa Ku waramaya in Maalintii Labaad Oo Xiriir Ah Dagaal Udhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed Oo kasoconayo Deegaankaasi.

Maleshiyaadka Dagaalamaya Oo kasoo Kala Jeeda Magaalooyinka Cadaado Iyo Dhuusamareeb Oo isku Haya Aanooyin Qabiil Iyo Dhul Daaqsimeed Ayaa Maalintii Labaad Waxaa Dhex Maraya Dagaal Xoogan.

Qasaaro isugu jira Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Ka Dhashay Dagaalkan, Balse Ilaa Iyo Haatan Lama Oga Qasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Dagaal Beeleedkan kasoo Cusboonaaday Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug Ayaa Ciidamo Dheeraad Ah Oo kala Dhex Gala Maleeshiyo Beeleedka Udiray Deegaanka Xananbuure Balse Ilaa Iyo Haatan Kuma Aysan Guulaysan In Ay Kala Qaadaan Labadan Maleeshiyo Beeleed.

Dagaalada Salka Ku haya Aanooyinka Qabiil Ayaa Kusii Kordhaya Deegaanada Galmudug Waxaana Si Gaar Ah Ay ugusoo Noq Noqdeen Deegaanka Xananbuure Ee Duleedka Dhuusamareeb, Maamulka Galmudug Ayaana Wili Ka Hadal dagaal beeleedka Cusub ee Ka Qarxay deegaanada maamulkasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply