Dagaal Xoog Leh Oo Ka Socda Deegaanka Daynuunaay Ee Gobolka Bay

Dagaal xoog leh ayaa waxa uu ka socdaa Deegaanka Daynuunaay Ee Duleedka magaalada Baydhabo Ee Caasimada Gobolka Bay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaalkaas iyadoo khasaaraha ka dhashay weli aan la ogaan Karin.

Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray Xarunta Ciidanka Meliteriga ku lahaayeen Deegaankaasi,iyadoo hubka kala duwan la maqlayey.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay Gaashaanle Maxamed Isxaaq Abaanduulihii Qeybta Lixdanaad taas oo ugu dambeyn udhintay Dhaawacii soo gaaray.

Al Shabaab oo baraha internet-ka wararka ku faafsadaan waxay ku sheegeen in guul weyn ka gaareen dagaalka oo weli socda.

INSHA ALLAAH FAAH FAAHIN DIB NAGALA SOCDA INSHA ALLAAH

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply