Dawlada Kenya Oo Ka Hadashay Dagaaladii Balad-Xaawo.

War Qoraal Ah Oo Kasoo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya ayaa Walaac Looga Muujiyay dagaallada ka soo cusboonaaday magaalada Baladxaawo, ee waqooyiga gobolka Gedo, oo dhowr kiilomitir u jirta xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Qoraalka Kasoo Baxay Kenya Oo Dhinacyo Badan Taabanayay Ayaa Ugu Horayn Lagu Yiri”Kenya walaaceeda koowaad ayaa ah in dagaalada soo cusboonaaday ay sababeen barakaca baaxada leh ee dadka rayidka ah ee kudhaqan gudaha dalka soomaaliya waxaana sii kordhaya tirada badan ee qaxootiga iyo magangalyo doonka kenya, sidaa darteed waxay uga sii daraysaa xaalada bini aadamnimo ee awalba ba’aneyd ee soomaaliya iyo xeryaha qaxootiga ee kenya, ” Kenya Ayaana Qoraalkan Maanta Oo isniin Ah Udirtay Guddoomiyaha Midowga Afrika.

“Sidoo kale, Kenya waxay ka walwalsan tahay in haddii dagaalku uu sii socdo si aan kala-joogsi lahayn, xaaladdu ay sii carqaladeyn karto xasilloonida gobolka, oo ay sii murgiso xaaladda amniga iyo dib u celinta guulaha laga gaaray la-dagaallanka argagixisada” AYaa Sidoo Lagu Yiri Qoraalka Wasaarada Arimaha Dibada Kenya.

Ugu Danbayn Qoraalka Kenya waxay ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada isla markaana si deg deg ah loogu soo laabto sidii caadiga ahayd iyadoo la raacayo baaqyadii iyo dhiirrigelintii Midowga Afrika ee ahaa Qaadashada Nabad Lagu Wada Noolado.

Warka Kasoo Baxay Kenya Marna Lagumaso Hadal Qaadin Kaalinta Ay Kenya Ku Lahayd Dagaalkasi iyo In Ciidamadeeda Ay kasoo Gudbeen Xadka Labada Dal Si Ay Ugu Biiran Dagaalka Kasocda Magaalada beledxaawo Ee Gobolka Gedo.

Wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya Cusman Abuukar Dubbe ayaa mar sii horreysay ku eedeyay jabhado ay maalgaliso Kenya in ay uso gudbeen Baladxaawo ayna weerareen ciidamada Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Fiiri Warqada Kenya Soo Saartay:

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply