Dawlada Kuuriyada Koonfureed Oo Amartay in la xiro Iskuulaadka Ku Yaalla Caasimada Siyool

Dawlada Kuuriyada Koonfureed Ayaa Amar ku bixisey in la xiro Goobaha Waxbarashada Ee Iskuulaadka ah kuwaas oo ku yaalla Magaalada Caasimada Ah Ee Siyool.

Waxa la sheegay in Caabuqa Koroono uu sii kordhay sidaa awgeedna ay Dawladu garwaaqsatay in la xiro Goobaha Waxbarashada.

Warbixinada udambeeya Ee Cudurka la diin waan geliyey ayaa sheegaya in 17 Kun Sagaal Boqol Afartan iyo Shan ayaa Cudurka uu ku dhacay,310 Qof ayaa geeriyootay sida la sheegay Labadii isbuuc Ee Lasoo dhaafay.

Kudhawaad 200 Arday iyo Shaqaale Iskuulaad ayaa la sheegay in ay ku jiraan dadka Cudurka laga helay muddooyinkii lasoo dhaafay.

Wasaarada Waxbarashada Dalka Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in Duruusta Qaab Toos Internet-ka ah kusii socon doonaan Ilaa 11 Bisha soo socota Ee September.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply