Dawlada Somalia Oo Fasaxday In Qaadka Lagasoo Dajin karo Guud Ahaan Dalka.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Oo Maanta Warfidiyeenka Kula Hadlay Magaalada muqdisho Ayaa Ka Hadlay Arimo Kala Duwan oo Ku Aadan xayiraada Qaadka Iyo In lagasoo Dajin Karo Guud Ahaan Dalka.

Wasiir Bayle Ayaa Ugu Horayn Sheegay In Qaadku Kamid Yahay Waxyaabaha Ay Sida Wayn Uga Ganacsadaan Bulshada Somaliyeed Islamarkaana Aysan Jirin Xayiraad Gaar Ah Ama Dad Gooni Ah Laga Saarayo.

Isagoo Sii Hadlayay wasiirka Maaliyada Waxaa Uu inta Ku Daray In Qof Walba Oo Laysin Ama Fasax Uhaysta Ka Ganacsiga Iyo So Dajinta Qaadka Uu Ufasaxanyahay In Qaabkii uu Doono Uu Usoo Galiyo Gudaha Dalka.

Dadka Qaadka Ka Ganacsada Ayuu Wasiir Bayle Kaga Digay In Sifo Ama Wadooyin Sharci Daro Ah Ay Umaraan ka Ganacsiga Qaadka Ee Gudaha Dalka.

Hadalka Wasiirka Maaliyada Cabdiraxman Ducaale Bayle AYaa kusoo Adaya Iyado Tan Iyo Marki Uu Dilaacay Caabuqa Crona Xayiraado Kala Duwan La Saaray Qaadka, Si gaar Ahna La Sheegayay In Qaadka Ka Yimaada Kenya Lahor Istaagay Iyado Kan Ka Yimaada Ethopia Uu Soo Galayay Dalka.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply