DEG DEG: AL-SHABAAB OO LA WAREEGAY DEEGAAN HOOSTAGA GALGADUUD.

Dagaalyahano Ka Tirsan Xarakada Al-shabaab Ayaa Lasoo Warinayaa In Aroornimadii Hore Ee Saaka Ay Gudaha Ugaleen Deegaanka Cadekibir Oo Dhaca Duleedka Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud.

Qaar Kamid Ah Dadka Deegaanka Ayaa Sheegay In Ay Indhaha Saareen Tiro Dagaalyahyano Ka Tirsan Al-shabaab Oo Aad Uhubaysan Islamarkaana Gudaha Ugalay Deegankasi.

Deegaankan Oo 60 kilomitir Dhanka Bari Kaga Beegan Magaalada Cadaado Ayaa La Sheegay In Alshabaab Ay Ka Galeen Dhowr Jiho Aysana Jirin Wax Iska Caabin Ah Oo Ay La Kulmeen.

Laamaha Amniga Iyo Maamulka Galmudug Kama Aysan Hadlin Deegankan Ay La Wareegeen Alshabaab Ee Ka Tirsan Gobolka Galgaduud.

Lasoco Wixii Soo Kordha.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *