DEG DEG: Dagaal Udhaxeeya Ciidan Jubbaland & Kuwa Dawada Oo Ka Socda…

War goordhaweyd Duhurnimadii ah kusoo Dhacay Warqabadka Radio Kaah Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Jubbaland ee ka amar qaata Wasiir C/rashiid Janan ayaana la sheegay inay dagaalka la galeen Ciidamada Dawlada.

Warar is khilaafsan ayaa soo baxaya qaabka dagaalka ku bilowday iyadoo wararku qaar sheegayaan in ciidanka Dawlada ay Duulaanka qaadeen.

Lama ogaan karo khasaaraha maadaama dagaalku weli socdo,iyadoo saacadihii lasoo dhaafay xurguf dagaal la dareemayey aagga Beled xaawo iyo deegaano kale oo Gobolkaasi katirsan.

Warar ayaa sheegaya in Xarunta Shirkada isgaarsiinta Nationlink Beled xaawo uu dab ka kacay kadib Madaafiicda la is weydaarsanayo Dagaalka oo ku dhacay.

Wixii soo kordho dib kala socda insha allaah www.radiokaah.net

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply