DEG DEG: Dhisme Dukaamo Badan Ah Oo La Weeraray Caasimada Dalka…

Nin Hubeysan ayaa waxa uu ku dhex heystaa Dhisme Dukaamo badan ku yaallaan Bariga Magaalada Caasimada u Ah Dalka Filibiin Ee Manila.

Weerarkaan oo saaka aroortii bilowday ayaa weli ninka hubeysan la sheegayaa inuu Dhismaha ku jiro,dad badan ayaana ku go’doonsan.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa la toogtay oo meesha ku sugnaa oo dhaawacii soo gaaray cusbitaal loola cararay,

Duqa Magaalada Manila Francis Zamora ayaa sheegay in Laamaha Amniga ay ku mashquulsan yihiin soo afjarida ninka dadka ku dhex heysta Dhismahaasi,lamana sheegin weli in Hujuumkani xiriir la leeyahay Argagaxisanimo.

Madaxa Booliska Degmooyinka Bariga Manila General Johnson Almazan ayaa sheegay in ay rasaas ka dhex dhaceyso Dhismaha Dukaamada ah Ee Weerarka lagu qaaday,sidoo kalena waxa uu sheegay in Kumanaan Dukaamo ah ay halkaasi ku yaallaan,Shaqaale badan iyo dad dukaameysi ugalay halkaasi ayaa go’doonsan.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: straitstimes.com

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply