DEG DEG: Wafdi Heer Sare Ah Oo Kenya Usoo Dirtay Muqdisho

Wafdigaan waxaa soo diray Madaxda Kenya waxaana lagu soo dhaweeyey duhurnimadii Magaalada Muqdisho,iyadoo Warar sheegayaan in Wafdigaan Hordhac u yihiin Madaxweyen Kenyatta oo Muqdisho kusoo wajahan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya Fred Mataingi ayaa hogaaminayey Wafdigaan,kuwaas oo kulamo la qaadanaya Madaxweyne Farmaajo.

Waxa ugu weyn ee Wafdigaan u yimaadeen Muqdisho ayaa ah xal ka gaarista Xiisada ka taagneyd muddooyinkii dambe Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Ilo Madax banaan ayaa usheegay Radio kaah in Wafdigaan ay Go’aano ay ka gaari doonaan kadib Qadiyada Xuduuda ay ka duuli doonaan Muqdisho.

Muddooyinkii dambe Ciidamo taabacsan Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa waxay kusugnaayeen Deegaano Xuduuda ah,Kenya ayaana loogu baaqay dhowr mar inay soo qabato Wasiirkaas,balse Dagaalkii dhacay 2-dii Bishaan ayaa sii xumeeyey Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Khamiistii Isbuucaan ayaa waxaa la sheegay inay Qadka taleefoonka kuwada heshiiyeen si hordhac Ah Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply