DEG DEG;QARAX XOOGAN OO KA DHACAY G/SHABEELAHA HOOSE…..

wararka naga soo gaaraayo degmada Awdhiigle ay Gobolka shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in uu goordhow uu degmadaasi ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxaan oo inta badan laga maqlay gudaha degmada Awdhiigle ayaa waxa uu Qeystay Qasaaro kala duwan sida inoo xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ku sugan degmadaasi.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Askari ciidamada dowlada iyo sadax ruux oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxay ka dhacay,qaraxa ayaa noociisa ahaa miinada ku dhulka lagu aaso.

Waxaa Goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ciidamada amaanka iyagoona howlgallo ka waddo halka uu qaraxa dhacay,dadka waxa yeelada kasoo gaartay qaraxaasi ayaa waxaa loo sameeyay gurmad deg deg ah.

Wali faa’faahin kama soo bixin Maamulka Degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyadoo inta badan ay degmadaasi ay ka dhacaan qaraxyo kuwaas geysta qasaaro kal duwan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply