Dhaawacyadii Dagaalkii Shalay Beled Xaawo Oo La Keenay Muqdisho

Xaalad degganaashiyo oo aan cago badan ku taagneyn ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Beled xaawo iyo Mandheera inta udhaxeysa oo shalay Isniintii dagaal xoogan uu ka dhacay.

Waxaa dagaalkaasi uu ahaa mid udhaxeeyey Ciidamada Dawlada iyo kuwa Jubbaland waxaana ka dashay Khasaaro iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaas dadkii ku dhaawacmay qaarkood oo la keenay Magaalada Muqdisho kadib Xaaladooda oo aad uliidatay hadana Cusbitaalada Xamar lagu daweenayo.

16 qof oo shacab iyo ciidan iskugu jira ayaana Xalay laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho,Carruur ayaa ku jirta dadka la keenay ee dhaawaca qaba,9 Ka mid ah dadka Bukaanka Dhaawaca ah ayaa Askar Dawlada katirsanaa sida la sheegay.

Saraakiisha ciidamada Dawlada iyo kuwa Jubbaland ee dhinaca Mandheera kusugan ayaa waxay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan,taas oo weli wadnaha ku hayaan farta dadka Deegaanka.

Inkastoo Qaarkood dadkii barakacay ay bilaabeen inay dib usoo laabtaan hadana ma jirto Kalsooni ah in dagaalkii shalay dhacay uu dhamaaday.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) ayaa sheegay inay iyagu aheyn kuwo duulaan qaaday balse jawaabta wixii shalay dhacay la arki doono,sida uu ka sheegay Xero ku taalla Mandheera oo ciidankiisa ku abaabulayo.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply