DHAGAYSO:Maxay Kawada Hadleen Madaxwayne Deni Iyo James Swan?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN.

Kulanka ayaa looga hadlay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Siyaasadda gaar ahaan Doorashada iyo shaqooyinka Hay’addaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Puntland sida mashaariicda horumarinta Iyo kuwa bani’aadantinimo.

Madaxwaynaah Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni Oo Kulanka Kadib Warbaahinta La Hadlay Ayaa Sheegay In Wakiilka Qaramada Midoobay Ay Ka wada Hadleen Xal Ka Gaarista isqab Qabsiga Daba Dheeraday ee Doorashoyinka Iyo Qodobo Kale.

Maalmihii Lasoo Dhaafay Wakiilka QM Ee Somalia James Swan Ayaa Ku Hawlanaa Kulamo Xal Looga Gaarayo isqab Qabsiga Doorashoyinka Ee Dalka, Iyado Ay Xusid Mudantahay In Maalinti Shalay Uu Magaalada Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Oo Isna Kala Hadlay Xalinta Tabashooyinka Ku Gadaaman Doorashoyinka So Aadan ee Dalka.

HALKAN KA DHAGAYSO CODKA DENI:

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply