DHAGEYSO: Afhayeenka Galmudug “Hore Gaas Ayaan Ka Diidnay,Dani Ayaana Hadda Wada”

Afhayeenka Maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur (taar dhuleed) ayaa ka digay colaad ay Puntland ka dhex abuureyso Shacabka iyo Deegaanka Galmudug.

Waxa uu si gaar ah ugu eedeeyey Dawlad Gobolleedka Puntland Madaxdeedii hore iyo kuwa Hadda jooga inay dhibaato la rabaan reer Galmudug.

Taar dhuleed waxa uu magac dhabay C/weli Cali Gaas isagoo sheegay in durbaan dagaal garaacay balse ay ka hor tegeen Reer Galmudug hadana uu Siciid Dani Madaxweynaha Puntland wadadaas hayo.

Afhayeenka Galmudug ayaa cod dheer ku sheegay inay ka digayaan dagaal laga abaabulo Reer Galmudug ayna iyagu la socdaan jabhadaha lagu diyaarinayo Puntland oo ay madaxdii Ahlusuna kula shireen dhawaan Magaalada Garowe Hogaanka Puntland.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply