DHAGEYSO: Al Shabaab Oo Weeraray Xero Ciidan Oo Ku taalla Gobolka Mudug

Dagaal Xoog leh ayaa waxa uu maanta ka dhacay Deegaanka Shabeeloow Ee Hoostaga Degmada Bacaadweyn Ee Gobolka mudug

7 Qof ayaa lagu dilay Dagaalkaasi oo ay Askar iyo Shacab iskugu jireen,iyadoo Xogtaas ka duwan ay Al Shabaab bixiyeen,oo ku aadan Dagaalkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Bacaadweyn Axmed Daahir ayaa waxa uu BBC SOMALI usheegay duhurnimadii in dagaalkaasi uu istaagay islamarkaana Al Shabaab ay iska caabiyeen dadka deegaanka.

Waxa uu sheegay in Macalin dugsi Qur’aan uu ku jiro dadka ay Al Shabaab ku dileen Maanta Deegaanka Shabelloow iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka ay ku baxeen Arintaas oo ay dadka deegaanka caawiyeen.

Xarakada Al Shabaab waxay baraha wararka ay ku faafsadaan ay soo dhigeen duhurnimadii in 13 Askari oo katirsanaa Ciidamada Dawlada ku laayeen deegaankii ay weerareen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply