DHAGEYSO: Bisha Ramadaan Oo Bandowga La Kordhiyey Muqdisho

Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar Oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho Gelinkii dambe ee Maanta ayuu kaga hadlay Isbadel lagu sameeyey Bandowgii Xilliga Habeenkii Ee Caasimada Dalka lagu soo rogay Isbuuc ka hor.

Waxa uu sheegay Taliye Xijaar in ay Isku waafaqeen Mas’uuliyiinta Dawlada Bandowga in laga kordhiyo sidii hore oo 7 Fiidnimo bilaaban doono ilaa 5 Subaxnimo,taas oo saacad ay ka horeyso Wakhtigii hore Bandowga u jiray oo 8 Fiidnimo aheyd.

Waxa uu Si gaar ah Taliyuhu usheegay in ay inta lagu jiro Bisha Ramadaanta ay bandowgaasi uu dhaqan galayo Habeenkii 7 Fiidnimo,isagoo digniin udiray Dhalinyarada Kubada Habeenkii ciyaara iyo Carruurta Waddooyinka soo fadhiista

Amar ayey Dawlada Soomaaliya kusoo rogtay Gaadiidka BL-ka iyadoo Darawalada la faray inaysan inta Gaariga qaado kala bar ka badan raaci Karin.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply