DHAGEYSO: “CAAWI”Gabar Yar Oo Xanuun Aan La garaneyn Haleelay

Xarunta Idaacada Kaah Ee Magaalada Muqdisho waxaa nagu soo booqday Hooyo Leylo Cumar waxaa ka xanuunsaneyd gabar yar ay dhashay.

Maamada waxay sheegtay in Gabadheeda oo Xaliimo Sacdiyo lagu magacaabo ay wajaheyso Xaalad dhanka nolosha ah oo aad uliidata,sida laga arki karo Muuqaalka Gabadhaan yar ayaa sida qof dabeyl heysa jirkeeda uu yahay.

Xaliimo waxay hadal dhan ka dhihi kartaa Qosol,Saxarada iyo Kaadidana ma ceshan karto sida ay Hooyo Leylo Kaah Media usheegtay.

Waxay taas uga sii dheer in Aabaheed uu gabadhaan ka shaqeeyo Dhagax jebinta ayna Gurigii ay ku jireen looga saaray Kirada ay iska bixin waayeen,iyagoo dalbaday in Alle dadka wax udhiibay ay soo gar gaaraan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN MAXAMED AXMED BAARI DIYAARIYEY

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply