DHAGEYSO: Dawlada Soomaaliya Oo Bedeshay Qaabkii Loo Xusi Jiray Maalmaha Xoriyada

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa maanta shir jaraa’id oo uu kaga hadlaayey  diyaargarowgii loo soo galay xuska  todobaadka xoriyadda Soomaaliya ku qabtay xarunta Wasaaadda ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka,oo ka hadlaayey diyaargarowga xusaska todobaadka xoriyadda, waxa uu caddeeyey in dabbaaldegyada sanadkaan ay yihiin kuwo loogu talagalay in dadka Soomaaliyeed lagu tuso waxqabadka dowladda ee sanadihii tagay iyo furitaanka mashruucyo dib u dhis ah oo laga hirgaliyay gudaha dalka.

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,waxa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in si farxad leh ay uga qeybqaataan xuska munaasabadaha maalmaha xoriyadda,isagoo sidoo kale Madaxda Dowlad Goboleedyadana ku dhiirigaliyay in la weyneeyo xusaska todobaadka  xoriyadda.

Ugu dambeyntii Wasiirku,waxa uu hambalyo ku aadan xuska munaasabadaha maalmaha xoriyadda aawadeed,u diray guud ahaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply