DHAGEYSO: Dibad bax ka dhan Ah Dawlada Oo Ka Dhacay Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah Dawlada Federaalka ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho iyagoo dadweyne careysan ay iskugu soo baxeen inta udhaxeysa Darjiinta ilaa Nasiib buundo Degmada Shibis.

Dadka isku soo banaanbaxay waxay dhaliilayeen in Dawlada ay Hanaan khaldan umartay Xuquuqda Gobolka Banaadir oo sida la rabay aan loo marin.

Banaanbaxayaasha waxaa la hadlay Isloow C/raxmaan Isloow Mahdi Isloow Cumar oo ku hadlayey Dadka deggan Muqdisho ayaa sheegay inaysan ucuntami karin in Kuraasta Aqalka Sare Gobolka banadir Laga siiyey ay si sharci daro aheyd oo dad kale lala wadaajinayo.

Dibad baxaan oo ay soo qaban qaabiyeen Xisbiyada Mucaaradka Dawlada iyadoo Dhinaca kale dibad bax Dawlada Lagu taageerayey isna maanta ka dhacay Fagaaraha Daljirka Dahsoon Ee Muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply