DHAGEYSO: Diyaar garowga Shirka Aayaha Puntland Ee Berri furmaya

Waxaa Hore loo shaaciyey in 15 Bisha oo berri ku beegan uu ka furmo shir Aayaha Siyaasadeed Puntland ayaa hadana Garowe oo halka gogosha la fidiyey waxaa kusii qul qulaya siyaasiyiin,waxgarad iyo Aqoonyahano Deegaanka kasoo jeeda.

Wafdi ka socda Dawlada Dhexe Ee Dalka ayaana sidoo kale Garowe kusugan kuwaas oo shalay Jimcihii halkaaasi ka deggay,uuna horkacayey Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Muxuyadiin Muuse ayaa waxa uu sheegay in amniga aad loogu dedaalay loona diyaar garoobay Qabashada Shirka Aayaha Puntland.

Waxa uu sheegay Taliyuhu in shacabka looga baahan yahay inay Amniga kala shaqeeyaan Ciidanka si shirka ugu dhaco hanaanka loo dejiyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply