DHAGEYSO: Fariintii Madaxweyne Farmaajo U Dhiibay Xildhibaanadii Kenya Ka Yimid

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu la kulmay habeen hore Xildhibaano ka yimid Dalka Kenya oo Baarlamaanka Waddankaasi ku jira balse Gobolka Soomaalida Kenya Kasoo jeeda.

Xildhibaan Maxamed Daahiye oo ka mid ahaa Xubnihii Kenyaanka Ee Villa Soomaaliya kula kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay ugu socdeen kalana hadleen dagaalka lala gelayo Al Shabaab keliya oo arimo kale u imaan Muqdisho.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay inaysan jirin cid kale oo ay kala kulmeen Dawlada Soomaaliya marka laga soot ego Madaxweyne Farmaajo,isagoo sheegay in arimaha Amniga Gobolka Soomaalida Kenya kala niqaasheen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyey Mugdi siyaasadeed oo ka dhex jira Kenya taas oo Xildhibaan Daahiye sheegay in taas ay caqabad ku noqon karto Amniga la sugayo Xuduuda Labada Dal.

11 Xildhibaan oo Baarlamaanka Kenya ka mid ah ayaa sabtidii yimid Muqdisho iyadoo Shalay Axadii ay dib uga dhoofeen Caasimada Soomaaliya,waxaana Xildhibaanada ay muddo is hortaag la kulmeen oo lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Nairobi.

Ma jirto war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlayo kulankii Xildhibaanadii Baarlamaanka Kenya ka socday Ee Madaxweyne Farmaajo Kula kulmay Sabtidii 29 Bishii Febraayo 2020-ka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply