DHAGEYSO: Gabdho Aan Qaan gaarin Oo Ku Le’day Darbi Ku Dumay Garasbaareey

Deegaanka Sarkuusta Ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxaa xalay abaare Sagaalkii saac darbi uu ku dumay Qoysas barakacayaal.

Xerada lagu magacaabo Malable ayey dadkaan kusugnaayeen,sida ay sheegtay Nasro Xersi Axmed oo ah Gudoomiyaha Xeradaas Barakacayaasha ah oo wareysi siisay Radio Kaah Muqdisho.

Ilaa Afar Ciyaal ah oo Seddex ay Gabdho yihiin ayaa la sheegay in darbiga ku dumay ay ku dhinteen,iyadoo Hal gabar kale ay ku dhaawacantay.

Roobkii da’ay saacadihii lasoo dhaafay ayaa Darbiga sabab ka dhigay inuu dumo,sida ay sheegeen horjoogayaasha Xeradaasi barakac.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply