DHAGEYSO: Gudoomiyaha Afgooye Oo Aan Ka Wareysanay Weerarkii Galabta Dhacay

Wararkii ugu dambeeyey Ee Qarax Galabta ka dhacay Degmada Afgooye ayaa waxa hadda kasoo baxaya Faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa ayaa kollonyo uu la socday Taliyihii Saldhiga Booliska Afgooye loo dhigay,balse Qaraxa kadib weerar ayaa xigay,iyadoo la leeyahay Afar qof oo Taliye C/qaadir Mursal ka mid ahaa ayaa la dilay,shan kalena waa ay dhaawacmeen oo Istaafkisa ahaa.

Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw Shanta Golaha Sare Halka loo yaqaano Ee Deegaanka Lafoole,iyadoo markii dambe dhaawac ahaan udhintay Taliyaha oo Magaalada Muqdisho loo soo qaaday.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qaasim (Carab) ayaa Caawa Fiidkii wareysi uu siiyey Idaacada Kaah Muqdisho waxa uu sheegay in Weerarkaasi ka dambeeyeen sida uu ku Eedeeyey Al Shabaab.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply