DHAGEYSO: Haweenka Oo Dagaalka Ka Caawinaya Xoogga Dalka

Munaasabad aheyd mid dhiiri gelin loogu sameenayey Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa lagu qabtay Muqdisho oo ay saraakiil ciidan kasoo qeyb galeen.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa waxay shaacisey inay laba jibaari doonaan hiil iyo hoo ay la garab joogaan Ciidanka.

Waxay sheegtayin mar kasta Haweenku ahaayeen kuwo laf dhabar u ah jiritaanka Dawladnimada sidaa awgeedna aysan marnaba ka baaqsan doonin inay caawiyaan Ciidanka Qaranka Ee Dagaalka kula jira Al Shabaab.

Batuulo Gabale waxay sheegtay in doorkii looga baahnaa Haweenka ay kasoo dhalaali doonaan si niyad dhis ugu noqoto Ciidanka Xoreynta Deegaanada Al Shabaab joogaan ku howlan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply