DHAGEYSO: Hogaanka Isbadel Doonka Jubbaland Oo Kusugan Nairobi & Ujeedka Safarkooda

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa usheegay Warbaahinta Kaah Ee Muqdisho in Madaxda Golaha isbadel doonka Jubbaland ay Shalay Diyaarad ka qaaday Magaalada Kismaayo Haddana ay Kusugan yihiin Nairobi.

Shir ayey Beesha Caalamka xubno katirsan kula yeelan doonaan Magaalada Caasimada u ah Kenya Hogaankani oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda Axmed Madoobe.

Kaafiyo Cabdi Faarax oo ka mid ah Saraakiisha Isbadel doonka Jubbaland oo aan qeyb ka noqon Wafdiga ubaxay Nairobi welina kusugan Kismaayo ayaa Radio Kaah uga warantay Ujeedka Hogaankooda.

Waxay sheegtay Kaafiyo inay rajo ka qabaan in mar kale Doorasho laga qabto Jubbaland maadaama ay ku Eedeeyeen Axmed Islaam Madoobe in doorasho ku shubasho ah uu qabsaday oo aysan iyagu taageerin.

C/rashiid Xiddig oo sheegtay in 22 Agoosto 2019 la doortay iyo 23 Agoosto 2019-kii isna Kismaayo isku doortay ayaa qeyb ka ah Xubnaha Nairobi kusugan iyadoo Sheekh Daahir Axmed C/llaahi iyo Aadan Afeey oo hogaanka Isbadel doonka Jubbaland ay ku jiraan Wafdiga Shalay Kismaayo Diyaarada ka qaaday Ee Nairobi Beesha Caalamka kula kulmi doona.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply