DHAGEYSO: Khudbadii Maanta Madaxweyen Farmaajo ujeediyey Golaha Shacabka

Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah isagoo maanta khudbad ujeediyey Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulanka oo ay kusugnaayeen 184 Xildhibaan ayaa lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dalka Khudbadiisa.

Waxa uu ka mahad celiyey sida looga ajiibay Codsigii ahaa in uu Baarlamaanka hor yimaado.

Khudbada Madaxweyne Farmaajo ayaa sida la filayey waxa la hadal hayey in Muddo kororsi uu sameyn doono balse taas ma uusan soo hadal qaadin.

Waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahad celiyey,Sharciyada ay meel mariyeen ee Bilaha Kooban la hor geeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ahmiyad weyn u leeyahay Siyaasiyiinta mucaaradka ah in Heshiiska ay Dawlada ugu yeereyso ay ka qeyb galaan.

Mar uu soo hadal qaaday Awooda Xildhibaanada Golaha Shacabka ayuu madaxweynuhu sheegay in Heshiis walbo oo lala galo Dawlad Gobolleedyada dib ugu soo celin doonaan Baarlamaanka Dalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply