DHAGEYSO: Maamulka Warbaahinta Kaah Oo Ka Warbixiyey Qaabkii Ciidanka Ugaleen Xalay Xaruntaasi

Abaare 6:40 Daqiiqo Habeenimadii Xalay ayaa waxa ciidamo Hubeysan ay gudaha ugaleen Xarunta Warbaahinta Kaah Media Group Oo Ku taalla Degmada Yaaqshiid Xaafada Suuq Bacaad.

Ciidanka oo katirsanaa Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa waxay la wareegeen Qalabkii Warbaahinta iyagoo xoriyada muddo daqiiqado ah ka qaaday 10 Wariye Oo mid gabar aheyd oo Xarunta kusugnaa.

Inkastoo wax jir dil aysan sameynin ciidanka inta ay joogeen Xarunta hadana waxay diideen dhaq dhaqaaqa guud ee saxafiyiinta.

Markii dambe ayaa wariyeyaasha la fasaxay,iyadoo Agaasimaha Radio Kaah Cumar Axmed Hilowle ay kaxeysteen Ciidanka Nabad sugida waloow isna Xalay Afar Saac lasoo daayey.

Idaacadaha Kaah iyo Daryeel oo hawada laga saaray Xalay Fiidkii Abaare 7:00 Pm ayaa Saaka Hawada dib ugu soo laabtay kadib Tuhunkii la qabay oo la xaliyey.

Agaasime Hilowle ayaa waxa uu ka warbixiyey sida ay Ciidamada Nabada sugida Soomaaliya ugaleen Xarumaha Kaah Media Group iyo sida uu kusoo dhamaaday howlgalkii lagu weeraray.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan I am the administrator of this radio, you get from our radio latest news, sports, livestream etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *