DHAGEYSO: Maanta Oo Arbaco ah 54 Kiis Covid 19 Ayaa Soomaaliya Laga Helay

Dhamaan Dadka wada helay Cudurka Covid 19 Gudaha Soomaaliya waxay tiradooda gaareysaa 54 Qof oo 40 Rag yihiin waxaana ay joogaan Muqdisho oo deegaanada kale Ee Dalka lagama soo sheegin kiis cusub.

Warbixintii Galabta oo Arbaco aheyd Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ay warbaahinta la wadaagtay waxay ku sheegtay inaysan jirin cid udhimatay 24-kii saac lasoo dhaafay Cudurka hayeeshee Hal qof ayaa Cudurka kasoo caafimaaday,tirada Cudurka La jiifta ama uu asiibay welina hayo Soomaaliya waa 582 qof sida ay wasaarada Caafimaadka shaacisey.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in dadka ay weli ujeedinayaan inay udhego nuglaadaan fariimaha wacyi gelinta ah,si looga baaqsado ama loo yareeyo Caabuqa Covid 19.

Cabsida dadka ay qabaan weli ma gaarin sidii loo filayey qaarkoodna ma aaminsana Jiritaanka Cudurka hadana Dawladu waxay ku dedaaleysaa in dadka la wacyi geliyo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN XAYI DIYAARIYEY

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply