DHAGEYSO: Macalin Maxamuud “Ahlusuna Siyaasadii Waa Ay Iskaga Baxday”

Hogaamiyaha Guud Ee Xoogaga Ahlusuna Waljamaaca ayaa shir jaraa’id uu Duhurnimadii Ku Qabtay Dhuuso mareeb kagana hadlay Xaaladihii Dhhuuso mareeb ay ku jirtay Saacadihii lasoo dhaafay.

Waxa uu ugu horeyn tacsi udiray Dadka iyo Ciidankii lagu dilay Dagaalkii dhacay isagoo sheegay inay ka xun yihiin wixii dhacay.

Shirka Jaraa’id ayuu ku muujiyey inay Iyagu Siyaasad horena ugu jirin hadana aysan dooneyn inay Mansab siyaasadeed madax ku gaaraan,ayna ku laabteen Faafinta Dacwada Diinta Islaamka oo ay caan ku ahaayeen.

Macalin Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in Ahlusuna ay dhiigooda iyo Dheecaankooda ku bixiyeen sidii dadka Nabadooda looga shaqeyn lahaa,ayna wax badan usoo tacab beeleen,lana soo dagaalameen Al Shabaab.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply