DHAGEYSO: Madaxweyne Cagjar Oo Difaacay Gefkii Abiy Ahmed Ee Kaaraamardhaa

Eedeyn Culus ayaa loo jeediyey Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo fal celin xoog leh la kulmay arintii uu dhawaan ka hadlay Dagaalkii 1977-kii Ee Kaaraa Mardhaa.

Buurta Kaaraa Mardhaa ayey Itoobiya Taalooyin uga dhistay Ciidankeedii xoriyada uga dhintay waa sida ay warka utiri,isagoo Abiy Ahmed sheegay in Dagaalkaasi lagu jebiyey Xoogga Soomaaliya.

Balse waxaa marag madoonto ah In Kaaraa mardhaa oo Duleedka Jig jiga dhacda ay 1977-kii ilaa 1987-kii ay Soomaalida Ciidankeedii Xoogga heysteen,markaas oo laga soo saaray quwado Midowgii Sufiyeeti taageereen Itoobiya.

Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa waxa uu ka hadlay Eedaas loo jeediyey Abiy Ahmed isagoo si maldahan u difaacay Hadalkii uu jeediyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Khudbad uu ka jeediyey Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar Saacado ka hor Magaalada Doolo Cadoow Ee Gobolka Liibaan ayuu sheegay in Xasarad abuur ay yihiin kuwa Mucaaradnimada la daba joogo Xukuumada Adis ababa,raadinaya inay dul duleelo raadsadaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply