DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Cudurka Corono Virus-ka

Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muuqaal laga soo duubay waxa faafisey Madaxtooyada isagoo kaga hadlay Saameynta uu reebi karo Caabuqa Corono Ee Kiiskii ugu horeeyey isniintii laga helay Muwaadin Soomaaliyeed oo dalka yimid.

Madaxweynaha Qaranka waxa uu muujiyey in Wer wer badan laga qaaday Cudurkaan ayna taas la qabaan Dalalka Dunida iyo qeyla dhaanta ay ka bixinayaan xilligaan.

Dawlada Soomaaliya waxay sheegtay inay udiyaar garowday dedaal badana ku bixinayaan xakameynta Cudurkaan sidii uusan dalka ugu faafi laheyn,waayo dalalka Jaarka ah ayaa covid 19 uu dad badan soo ritay,doorka Dawlada Muxuu yahay?

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa alle udalab weydiiyey Muwaadinka Soomaaliyed alle caafiyo cudurkaana dadka kale Ee Ka bad qaba ka bad baadiyo.

Fariinta Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri geba gabadii ugu baaqay Mujtamaca Soomaaliyeed inay udhego nuglaadaan Qaababka Ay dawlada usoo gudbineyso taxadarka laga sameenayo Faafida Cudurkaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN XAYI DIYAARIYEY

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply