DHAGEYSO: Malkiilaha Hoteel Elite “Ima Niyad Jabineyso Weerarkii Argagaxisada”

Weli waxaa Hoteelka Elite Yaalla Afar meyd ah oo la sheegay in ay ahaayeen Shabaabkii dagaalamayey saacadaha ee weeraray Hoteelkaasi Shalay Casir Liiqii.

Dad badan ayaa ciidamada Amniga kasoo bad baadiyeen weerarka,iyadoo Xildhibaano,Diblomaasiyiin,Shacab iyo Askar ay halkaasi kusugnaayeen marka ay wax dhacayeen.

Malkiilaha Hoteelka Elite Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur Oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Hoteelkaasi waxa uu sheegay in uu tacsi udiray Ehelada Dadkii Lagu gumaaday Hoteelka.

Xildhibaankani katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya,C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Hogaanka Al Shabaab ay Carruurtooda Waxbarasho iyo nolol heystaan balse Dhalinyaro ay marin habaabiyeen dabka gelinayaan sida uu hadalka udhigay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply