DHAGEYSO: Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Shirka IGAD Ka Jeediyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona ayaa ka warbixiyey dadaallada mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu istaageen ka hortagga cudurkan.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku xiriireen mareego gaar ah oo internetka ah (Video-conference) ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD xaaladda badqabka caafimaad ee dalka, halista muuqata ee ka dhalan karta cudurka Koroonaha iyo baahiyaha qalabka caafimaad ee muhiimka u ah daryeelka bukaannada cudurkaas.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo umahad celiyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo kasoo shaqeeyey in Kulankaan la iskugu yimaado,islamarkaana Ay Soomaaliya diirada Saareyso ka hortega Cudurkaan iyo Saameyntiisa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply