DHAGEYSO: Puntland Oo Alaabta Dibada Uga Timaada Qaarkood Mamnuucday (Sababta)

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland General Muxuyadiin Axmed Muuse Oo shir jaraa’id ku qabtay saacado ka hor Garowe ayaa ka hadlay Qodobo muhiim ah islamarkaana ay ku jiraan ka hor tega Puntland u gashay Caabuqa Corono.

Taliye Muxuyadiin waxa uu hoosta ka xariiqay inay ka mamnuuceen deegaanadeeda Alaabta Dibada uga timaada sida Maacuunta iyo Dharka Huudheyda ah.

Waxa uu sheegay in Ganacsatada war gelinayaan hadii ay alaabtaas keensadaan Puntland in la gubi doono oo dab la qabad siinayo.

Taliye Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa shacabka ka dalbaday inay ku dedaalaan Nadaafada si loo yareeyo cabsida Cudurka Corono Ee Dunida kusii faafaya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply