DHAGEYSO: Puntland Oo Awood Sheegasho ku tilmaamtay wixii Dhuuso mareeb Ka Dhacay

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Ibraahim Dhaban Cad ayaa waxa uu ka hadlay isbadelka ku dhacay Gacan ku heyntii iyo Maamulkii Dhuuso mareeb oo ay Hogaankii Ahlusuna Dawlada isku dhiibeen.

Wasiir Dhaban cad ayaa wax laga xumaado ku sheegay xoog maquunis lagu sameeyey Ahlusuna ayna taas tahay mid laga wanaagsanaa.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland waxa uu sheegay inay Awood Dalkaan waxba looga qaban karin ayna Dawlada Dhexe sidaas wax ku raadineyso.

Puntland waxay ku Eedeysay Dawlada Dhexe inay xoog muquunis Xal u aragtay meeshii laga rabay inay Dib uheshiisiin iyo isku keenida Dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Dhaban Cad ayaa sheegay in qorshahaan ay Dawlada Soomaaliya ka damacsan tahay Baabi’inta Federaalka iyo Maamuladii Dhismay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply