DHAGEYSO: Puntland Oo Ku Dhawaaqday Guluf Dagaal Ay la galeyso…

Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan ayaa waxa uu kormeer ku tegay Deegaanadii Labo Cisho ka hor dagaalka uu ka dhacay Ee Soomaaliland iyo Puntland isku fara saareen.

Waxa uu sheegay inaysan raali ka noqon doonin in dhulka Puntland lagu soo gar gadaroodo sida uu warka udhigay,ayna deegaanada weli gacanta Puntland ka maqan ay doonayaan inay Soomaaliland ka saari doonaan waa sida uu warka u yiriye.

Arbacadii iyo Khamiistii ayaa waxaa dagaal siyaabo kala duwan uga dhacay Deegaanka Kadhada Oo Hadaaftimo hoostaga Gobolka Sanaag,iyadoo dhinacyada dirirta udhaxeysay ay mid walbo sheegteen in guulo gaareen.

Dhowr mar ayey ku dagaalameen Soomaaliland iyo Puntland Deegaano Katirsan Gobollada Sool iyo Sanaag.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply