DHAGEYSO: R/W Kheyre “Lama Rabo Gabdhaha Ayaan Xuquuq siineynaa Keliya”

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu maanta ka qeyb galay Xuska Maalinta Haweenka Adduunka,isagoo amaanay Doorka ay Haweenka ku leeyihiin Dib udhiska Dalka.

Mudane Kheyre ayaa Hambalyo la wadaagay Haweenka Soomaaliyeed kana dalbaday inay sii laba jibaaraan Naf hurnimadooda sidii ay Bad baadinta Dalka Nabadiisa uga shaqeenayeen.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay lagama maar maan tahay arinta kusaabsan in la helo Xuquuqda Siyaasadeed ay Haweenku leeyihiin.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday in Saamiga ay Dumarka Siyaasada iyo Hay’ada Dawlada ku leeyihiin aysan cidna gor gortan ka gelin karin ayna bixin doonaan.

Dhowr mar ayaa la isweydiiyey waxa Dawladu aysan usiin Xuquuqda Siyaasadeed ay Haweenka leeyihiin balse Go’aankii maanta Ra’iisal Wasaaraha qaatay mala ogaa Madaxweyne Farmaajo?

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN FARXIYO TAAKOOW

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply