DHAGEYSO: Saluuga Ka Dhashay Soo Xulida Baarlamaanka 2aad Ee K/Galbeed

Kadib markii dhawaan lasoo bandhigay Liiska Golaha Baarlamaanka Labaad Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in ay ka timid Saluug beelaha qaar.

Xildhibaanadaan oo tiradooda tahay 95 Xubnood ayaa waxa soo dhaweeyey Qaabka loo maray iyo Xalinta Qabaa’ilka loo muujiyey khilaafkii ka dhex jiray Siyaasi Nuur Sheekh Cali oo deegaanada K/Galbeed kasoo jeeda.

Siyaasigaan oo wareysi siiyey Idaacada Kaah ayaa sheegay inay muhiim tahay udhimrinta Dadka Deegaanka ayna wax lagu farxo tahay Baarlamanka lasoo xulay.

Mar uu Siyaasi Nuur Sheekh Cali Ka hadlay Arinta kusaabsan Wasiirkii Dastuurka Koonfur Galbeed Aadan Xasan Maxamed oo shalay Sabtidii is Casilay ayuu ku micneeyey in Beeshiisa ay u igman weysay soo laabashada Kursigii uu ku fadhiyey baarlamaanka.

Sikastaba waxaa jiray in Wasiiro Katirsan Dawlada Federaalka ay iyaguna Habeen ka hor soo gudbiyeen inay saluugeen qaabka loo soo xulay Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply