DHAGEYSO: Shabkad Gaangistaro Rag & Dumar Ah Oo Lagu Xiray Hargeysa

Ciidamada Amaanka Maamulka Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay Lacago Been abuur ah oo la sheegay in si suuq madoow ah loo geliyey Magaalooyinka Qaar maamulkaasi.

Howlgalka ayaa ciidanka Boolisku kusoo qabteen Dollarkaan Been abuurka ah,xilli Suuqyada la doonayey in lasoo geliyo.
Magaalooyinka Burco,Ceerigaabo iyo Caasimada Hargeysa ayaana Lacagtaas lagu qabtay,waxaana sidoo kale la qabtay Qamri iyo Waxyaabo Maanka dooriya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliland Feysal Xiis ayaa udigay Dadka caadada ka dhigtay inay ku shaqeystaan Lacagahaan Been abuurka ah iyo ka ganacsiga Qamriga.

Dhowr mar ayaa sidaan oo kale ciidamada Soomaaliland ay Howlgal ku qabteen Lacago Faalso Dollar laga min guuriyey taas oo qal qal gelin ku aheyd Hanaanka Sicirka iyo Sarifka Lacagaha Deegaanadaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply