DHAGEYSO: Tirada Covid 19 Ee Soomaaliya Oo Gaartay 528 Qof

Weli Muqdisho ayaa hogaamineysa Dadka ugu badan Ee Cudurka Corono ku dhacayo,tirada guud waxay gaartay 528 Qof oo hadda la il daran,iyadoo Saacado gudaheed Kudhawaad 50 Qof cudurka soo ritay.

Warbixintii Galabta kasoo baxday Wasaarada Caafimaadka ayey sheegtay in Cudurka 24-kii saac lasoo dhaafay udhinteen 2 Qof,iyadoo 5 Qof ay kasoo biskoodeen Caabuqani.

Wasiir Fowsiyo Abiikar waxay sheegtay in 48 qof oo 31 Rag yihiin Cudurka laga helay Saacadihii lasoo dhaafay,waxaana markaan Koonfur Galbeed laga diin waan geliyey Kiisaskii ugu horeeyey,taas oo ka dhigan in Dalka oo dhan Cudurka ku fiday.

Xukuumada Soomaaliya ayaa ku celisey inay muhiim tahay kala fogaanshiyaha Dadyowga si loo xakameeyo Cudurkani balse ay dadka umuuqdaan kuwo dhegaha ka fureysanaya oo ay weli ka joogeynin Masaajida iyo meelaha la iskugu yimaado.

Soomaaliya ayaa dadkeedu waxaa lagu tiriyaa kuwo aan si fudud ku rumeysan waxyaabaha qaar waxaana jira dad aan aaminsaneyn Cudurkani oo ay Dawlada ku Sheegeen inay Warbixin Been ah maalin walbo dadka la wadaageyso oo tiro badan soo gudbinayaan cudurkana ay leeyihiin waa ku dhacay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN XAYI DIYAARIYEY

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply