DHAGEYSO: Tiradii Ugu badneyd Meel Ka Baxsan Muqdisho Covid 19 La Shaaciyey

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxay galabta shirkii jaraa’id ay qabatay kaga warbixisey tirada dadkii Cudurka Covid 19 soo ritay 24-kii saac lasoo dhaafay.

Wasiir Fowsiya waxay sheegtay in 65 Kiis Cusub ay soo kordheen oo 24 ka mid ah kusugan yihiin Deegaanada Koonfur Galbeed iyadoo Hal Qof uu udhintay Caabuqani saacadihii lasoo dhaafay kuna sugnaa Gobolka Sh/Hoose.

Waxay Dawlada Soomaaliya weli sheegeysaa inay Cabsi qabaan in Fariimaha Wacyi gelinta oo aysan dadka sidii la rabay uqaadanin.

Xukuumadu waxay sheegtay inay mar kasta ku dedaalayaan sidii loo xakameyn lahaa Cashiga Korono oo tirada dadka uu soo ridanayo ay maalinba maalinta ka damebyso sii kordheyso.

Hadda Soomaaliya waxaa Cudurka Covid 19 la il daran sariir yaalna la ah dad gaaraya 1284 Qofood.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN XAYI CABDULLAAHI

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply