DHAGEYSO: Trump Oo Amray In Soomaalida Qaar Miniyaabulis Ka Guuraan Guryaha

Xaalad adag ayaa waxay soo food saartay Dadka Soomaaliyeed Ee guryaha Dawlada deggan Magaalada Miniyaabulis Dalka Mareykanka kadib Culeys la saaray oo ah inay guryaha iskaga guuraan ama Kirada lagu kordhinayo.

Qaar ka mid ah Qoysaska Soomaaliyeed Ee Arintaan Saameysay waxay sheegeen inay tani u arkaan mid Madaxweyne Trump uu saxiixay ayna cid wax ka qabaneysa hadda ujeediyey Wer werka ay dareemayaana ay tahay in Qolyo Section 18 La yiraahdo lagu wareejinayo.

Hadaba waa kuwaan qaarkood Soomaalida ay culeyskani cataawga biday balse cid warkooda udhego nuglaanshiyo ku sameysa ay waayeen,iyagoo kulan looga hadlayey arintaas ku yeeshay Magaalada Miniyaabulis.

Batriisha Tooris Ray,waxaan Caawa u imid Wuqooyiga Miniyaabulis inay dhageysato Walaaca ay qabaan qaar kamid ah Bulshada deggan Guryaha Dawlada oo la rabo in laga saaro,waxaan ka rabnaa Qolyaha qaabilsan Howsha guryaha inay soo cadeeyaan Warqadaha ay soo direen iyo gunta warkaas lagu saxiixay,anigoo rajeenaya in lala yimaado wax ka badelan sida hadda wax usocdana.

Waxaa hadda la sugayaa waa in Qeybta Qaabilsan Guryaha Miniyaabulis war cad kasoo saaraan Eeda loo soo jeediyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN KUSAABSAN ARINTAAS

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply