DHAGEYSO: Warbaahinta Dawlada Oo Loo Ogolaanayo Siyaasiyiinta Mucaaradka Inay Ka Hadlaan

Waxaa maanta lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho Dhaqan gelinta Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya,iyadoo Bahda Saxaafada la sheegay Xubno metalayey ay ka qeyb galeen.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa waxa uu sheegay wixii maanta ka dambeeya Warbaahinta Dawlada ku hadli doonto dhamaan Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa xitaa ballan qaaday in Mucaaradka ay fursad u heystaan in laga soo gudbiyo Codkooda SNTV & RADIO MUQDISHO.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ee Xilka Sii Haya Mahdi Guuleed Khadar ayaa waxa uu sheegay in sharcigaan uu yahay mid muhiim ah oo dhaqan gelintiisa loo baahan yahay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply