DHAGEYSO WARBIXIN: Shirka Dhuuso mareeb Siyaasada Cakirneyd Ma Soo Afjari Doonaa?

Odoroska guud ee doorashada Soomaaliya 2021-ka waa mid aan lasii saadaalin Karin sida ay ku dhici doonto,iyadoo saluug badan jiraan oo dhanka mucaaradka ka imaanaya dib udhaca doorashada la gelinayo.

Is qab qabsiga ka dhex aloosan hadda Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada ayaa soo bilowday Sanado ka hor balse Afar Bil isagoo xukunka haaya ayuu Madaxweyne Farmaajo Tegay Kismaayo,markaas oo bilow fiican iyo Taageero badan ku heystay Xilligaas.

Marka loo eego shirka 8 Bishaan oo Arbacada Todobaadkaan ku began Dhuuso mareeb ka dhacaya ayna Shanta Madaxweyne Maamul Gobolleed dalka ka jira iskugu tegayaan ayaa weji kale oo cusub abuuri doonta.

In gosha Axmed Qoor qoor dhigo oo ay aqbalaan Maamuladii Dawlada la dagaashanaa ayaa ka dhigan in isku soo dhawaanshiyo laga dhex abuuri karo,albaabkii dagaalka siyaasadeedna xirmi karo.

Sheekh Shariif,Xasan Sheekh & C/raxmaan C/shakuur oo ah Mucaaradka ugu weyn Ee Dawlada Hadda jirta,waxaa ay dadka siyaasada Dawlada la dhacsan ay ugu baaqeen inaysan Dalka uhorseedin dib udhac iyo Bur bur lagu celiyo,waxaana Xaalada ay umuuqataa hadda “Bowdo Rageed Maalinba Mid Baa Qaawan”

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN XAYI DIYAARIYEY

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply