DHAGEYSO WARBIXIN: Sidii Xalay Ciidanka Ugaleen Warbaahinta Kaah Media Group

Waxay aheyd Xilli uu soo dhawaa Warka Habeenimo Ee Xalay mar keliya ayaa ciidamo hubeysan oo sida ay sheegeen ka socday Hay’ada Xuuraanka Ama Nabad sugida ay soo galeen Xarunta Kaah Media Group oo ku taalla Degmada Yaaqshiid.

Agaasimaha Idaacada Kaah Cumar Axmed Hilowle,ayaa ka warbixiyey Qaabka Ciidamada usoo galeen Xarunta oo Labo Raadiye Mataano ah kuwada yaallaan.

Waxa uu sheegay in Qaarkood Shaqaalaha oo markaas kusugnaa ay la wareegeen qalabkoodii iyo Agabkii Idaacada.

Daqiiqado kadib Hawada ayaa laga saaray Idaacadaha Kaah iyo Daryeel,iyadoo shaqaalihii laga qaaday Xoriyada islamarkaana waxay kaxeysteen Agaasimaha Idaacada Kaah Cumar Axmed Hilowle.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN KUSAABSAN

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply