DHAGEYSO WAREYSI: Gudoomiyaha Yaaqshiid Oo Beeniyey In La Qarxiyey

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muuse Geeseey Jimcaale Oo Wareysi gaar ah siinayey Idaacada Kaah Duhurnimadii ayaa waxa uu ka hadlay Qarax la sheegay in isaga lala beegsaday Maanta Barqadii oo ka dhacay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in isaga aan lala beegsan Qaraxaasi islamarkaana wararkaasi ay yihiin mid waxba kama jiraan ah.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka la geliyo waxaana uu Gudoomiye Muuse Geeseey inoo xaqiijiyey in Sargaal katirsan Maamulka Gobolka Banaadir laguna magacaabo Cumar Sheekh Xuseen lala eegtay.

Gaariga la qarxiyey ayaa ahaa nuuciisa Qooqan,iyadoo Labo Askari Ay kaga dhaawacmeen Weerarkaasi oo ka dhacay Godka Siisii Ee udhaxeeya Isgoysyada Sanca iyo Fagax.

Waxa uu gudoomiye Muuse Geeseey Sheegay in Goobta uu tegay Xaladana ay caadi kusoo laabatay daqiiqado xirneyd.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply