DHAGEYSO WAREYSI: Jubbaland Maxay Udiiday Aqoonsiga Villa Soomaalia?

Shalay Oo Axad aheyd waxaa Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya si kumeel gaar ah loogu aqoonsaday Madaxweynaha Jubbaland inuu yahay Axmed madoobe.

Waxaa Warsaxaafadeedkaasi lagu dalbaday in Axmed Islaam laga rabo in uu labo sano ku diyaariyo Doorasho,islamarkaana uu xaliyo khilaafka iyo tabashada Ka dhashay

Wasiirka Shaqada Ee Jubbaland Maxamed Axmed Cali oo kusugan Nairobi Caasimada Kenya ayaa Radio Kaah Wareysi uu siiyey waxa uu kaga hadlay sababaha keenay inay diidaan Dalabka kaga yimid Madaxtooyada Soomaaliya.

Hore waxay Dawlada Soomaaliya uga hor timid Doorashadii Axmed Madoobe bishii Agoosto 2019-kii iyadoo shaki badan abuurtay waxa hadda keenay in Labo sano loogu daro Madoobe Hogaaminta Jubbaland si kumeel gaar ah.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply