DHAGEYSO WAREYSI: Xisbiyo Ugudbiyey Maxkamada Sare Soomaaliya Dacwad Ka Dhan Ah…

Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeedka Midnimada Shacabka C/weli Yuusuf Cumar oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada Kaah Muqdisho waxa uu ka hadlay Xaalada Siyaasada Dalka iyo Marxalada Kala guurka ee lagu jiro.

Waxa uu sheegay in Dacwad geeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah Maxkamada Sare islamarkaana ay fureen Gal dacwadeedkaasi.

Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya ayey Xisbiyadu sheegeen inay ka gudbiyeen maadaama la jebiyey Sharcigii Labada Aqal Baarlamaanka soo gudbiyeen.

Hanaanka Xisbiyada Badan Ee Doorashada Dalka lagu geli lahaa ayaa la leeyahay waa la laalay islamarkaana Nidaamka Beelaha la sheegay in la isku soo dooran doono.

Gudoomiye C/weli Yuusuf Cumar waxa uu soo dhaweeyey hadalkii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre Isbuucii hore shaaciyey in doorashada xilligeeda la qaban doono.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply