DHAGEYSO: Wasiir Khadiija Oo Ka Hadashay Sababtii Baaritaanka Ay Udiiday Maalmo Ka Hor

Si kulul ayey uga hadashay Wasiir Khadiijo arintii Lagu sameenayey Baaritaankii dhawaan ay diiday Cudurka Corono Virus-ka.

Wasiir Khadiijo Diiriye ayaa sheegtay inay Khaladaad ka dhex jiraan habka Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Cudurka uga baarayaan dadka kasoo degaya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Safarkii ay Maalmo ka hor kasoo laabatay Dalka Turkiga ayey sheegtay in Garoomada Caalamiga ah Ee Dalka Turkiga aan laga soo fasaxeyn hadii Cudurka ay Qabaan.

Waxay Sheegtay inay ku baaqeyso in wax laga badelo Shaqaalaha Qeybta Baarista Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Garoonka ujooga si ay Cudurka dadka uga hubiyaan.

Qaar ka mid ah Dad ka aragti dhiibtay Diidmadii Wasiir Khadiijo maalmo ka hor in la baaro ayey ku sheegeen inay Sharciga iyo Dastuurka Dalka ku xad gudubtay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply