DHAGEYSO: Wasiir Maareeye “Inta Soomaaliland Maqan Tahay Dawladnimadu Waxaa Ka Dhiman”

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka,& Dalxiiska Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka hadlay Sida Baahi weyn loogu qabo Dawladnimo Buuxda oo Soomaaliya Hesho ilaa Soomaaliland Lala heshiiyo.

Wasiirka waxa uu ka qeyb galayey Kulanka Todobaadka Ee Warbaahinta Qaranka,isagoo shaaca ka dhigay in wax walbo oo Hanaanka Dalka lagu hogaaminayo ay Qabyo noqon doonto inta ay Maqan yihiin Gobollada Wuqooyi Ee Soomaaliland la yiraahdo.

Maareeye oo sii hadlayey ayaa sheegay in xitaa dhabar jab siyaasadeed ku tahay Maqnaashiyaha Soomaaliland Xisbiyada Mucaaradka Ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Hogaamiyaan oo olalahooda Doorashada ay boos weyn ka banana noqon karto.

Hadalka Wasiir Maareeye ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu shirk a dhacay Dalka Jabuuti ay iskugu yimaadeen Madaxda Dawlada Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland,Natiijada kasoo baxday Kulankaasina uu ahaa mid yadadiilo laga qabay isku soo dhawaanshiyaha Labada dhinac iyo Midnimo mar kale la odorosayey Soomaaliweyn.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply